Nominating committee
➜ Read this page in English
➜ Lea esta página en español
Waan Kuu Baahanahay!
Seattle Council PTSA waxay meteshaa in ka badan 80 PTA iyo PTSA oo ka howlgala Dugsiyada/iskoolada Dadweynaha ee Seattle. Anagoo u taagan kor u qaadista codadka dadka ugu fog caddaaladda waxbarasho, waxaan taageernaa, wacyigelinnaa, una doodnaa bulshooyinka dugsiyada ee guud ahaan Seattle.
Waxaan raadinaynaa hoggaamiyeyaal arday-iyo-caddaalad ku salaysan sinaan oo u tartami kara xilalka guddiga fulinta ee sannad-dugsiyeedka 2025–26. Xilalka guddiga fulinta waxaa ka mid ah: Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, Qasnajiye, iyo Xoghaye. Waxaan si weyn u soo dhoweynaa hoggaamiye wadaagayaal xilalkaas oo dhan, maxaa yeelay waxaan aaminsannahay in arrintaas ay kor u qaaddo kala duwanaanta iyo in aan wax ka baranno oo kor u qaadno is-dhexgalka doorkayaga.
SCPTSA waxay ku dadaalaysaa in guddigeedu si siman u metelo ardayda uu degmadu u adeego. Waxaan qiimeynaa hoggaanka ka imanaya bulshooyinka aan si buuxda loogu metelin—oo ay ku jiraan bulshooyinka BIPOC, dadka Baranaya Ingiriiska (ELL), LGBTQIA+, iyo dadka Naafada ah—waxaana si xooggan u dhiirrigelinaynaa ka qaybqaadashadiinna. Waxaan aaminsanahay in xigmadda ay keeni karaan hoggaamiyeyaal aad u kala duwan—oo ay ku jiraan waalidiinta iyo qoysaska leh ardayda ugu fog caddaaladda waxbarasho—ay lagama maarmaan u tahay in riyada carruur kasta la dhabeeyo.
Sida PTSA ah, waxaan go’an ku leenahay in aan noqono kuwo dadka dhan u furan, kuna dadaalna inaan fududeyno ka qaybqaadashada qoysaska aan si buuxda loo metelin—oo ay ka mid yihiin: marin u helid fogaan arag ah (remote access), tarjumaad, qalab ku qoran luuqado kala duwan, taageero farsamo, la-talin iyo waxyaabo kale. Waxaan rabnaa inaan abuurno deegaan ay hoggaamiyeyaashu si buuxda iskugu muujiyaan, si wanaagsan loo soo dhoweeyo, laguna qiimeeyo qofnimadooda iyo hibadooda gaarka ah ee ay u keenaan bulshada si loo gaaro hadafka PTA.
Sida ku cad Dastuurka Ururka Waalidiinta iyo Macallimiinta Gobolka Washington (WA State PTA Bylaws), Qodobka 5aad, Qaybta 6(G):
Qofka doonaya in loo doorto xilka guddiga sare waa in uu:
Yahay ugu yaraan 18 jir;
Ka mid ahaa guddiga PTA ama Council board of directors hal xilli-dugsiyeed ugu yaraan;
Ka mid ahaa xubnaha PTA ee deegaanka ugu yaraan 30 maalmood ka hor doorashada.
Haddii aad xiisaynayso in aad qabato xilka SCPTSA executive board, ama aad dooneyso in aad qof kale ku taliyso, fadlan nagula soo xiriir: nominations@scptsa.org. Waxaan jeclaan lahayn inaan wada hadalno! Fadlan si xor ah noogu soo qor luuqadda aad doorbidayso, annaga ayaana ka shaqayn doona in aan xiriir idinla sameyno. Waad ku mahadsan tahay tixgelintaada!!
Guddiga Xulista Musharaxiinta
Seattle Council PTSA waxay si farxad leh u shaacinayaan in Ayan Elmi, Christina Ellis, iyo Michele Campbell, loogu doortay inay ka mid noqdaan Guddiga Xulista Musharaxiinta (Nominating Committee) ee SCPTSA intii lagu guda jiray shirkii guud ee xubnaha SCPTSA ee dhacay May 6.
Guddigan wuxuu mas’uul ka yahay raadinta hoggaamiyeyaal buuxinaya xilalka gudiga fulinta ee SCPTSA ee sanadka 2025–26 (Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeenka, Qasnajiye, iyo Xoghaye) wuxuuna bulshada u soo bandhigayaa liiska musharaxiinta lagu taliyay.
Waxaad la xiriiri kartaa dhammaan xubnaha guddiga xulista adigoo email u diraya: nominations@scptsa.org. Ama si gaar ah u la xiriir Ayan Elmi, Christina Ellis, ama Michele Campbell. Waxaan si niyadsami ah u dhiirrigelinaynaa qof kasta oo xiiseynaya ama su’aalo ka qaba ka qayb qaadashada SCPTSA sanadka dambe inuu nala soo xiriiro.
Fiiro gaara: Meel walba oo aad ku aragtaan xarfahaan la Soo gaabiyay oo Aan halkaan idiinku soo qornay. Ee. Ah PTSA ama SCPTSA. Waa kan macnahooda Hoos ka eego.
SCPTSA waa Guddiga Waalidiinta, Macallimiinta, Iyo Ardayda ee Magaalada Seattle.
PTSA waa Guddiga Waalidiinta, Macallimiinta, Iyo Ardayda.