Nominating committee

Read this page in English
Lea esta página en español

Waxaad ka tirsan tahay Seattle Council PTSA!

Seattle Council PTSA waxay matashaa in ka badan 80 urur oo PTA iyo PTSA ah oo ka jira Dugsiyada Dadweynaha Seattle. Iyadoo la meeleynayo bartamaha codadka kuwa ugu fog caddaaladda waxbarashada, waxaan taageernaa, wargelinnaa, oo u doodnaa anagoo u adeegayna isla markaana la shaqeynayna bulshooyinka dugsiyada ee guud ahaan Seattle.

Waxaan raadineynaa hoggaamiyeyaal diiradda saaraya ardayda iyo sinnaanta si ay uga shaqeeyaan Guddiga Fulinta Seattle Council PTSA ama Guddiga Agaasimayaasha sannad-maaliyadeedka 2026–27. Dhammaan jagooyinku waa muddo hal sano ah (laga bilaabo Luulyo 1, 2026 ilaa Juun 30, 2027).

Haddii aad xiisaynayso jago SCPTSA ah, fadlan buuxi foomkayaga is-magacaabista/xiisaha, waxaana kula soo xiriiri doonnaa si aan kaagala hadalno. Haddii aad taqaan qof laga yaabo inuu xiisaynayo mid ka mid ah jagooyinkan, fadlan xor ayaad u tahay inaad u gudbiso foomkan iyaga. Mahadsanid inaad tixgelisay!!

 

Shuruudaha Doorashada, Doorarka Guddiga & Qiimaha Ururka

Doorarka Guddiga Fulinta waa xilal lagu doorto cod. Waxay ka kooban yihiin Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, Khasnajiga, iyo Xoghayaha. Waxaan soo dhaweyneynaa hoggaamiyeyaal wada-shaqeeya (laba qof oo ku heshiinaya inay wadaagaan hal xil), dhammaan jagooyinka, maadaama tani ay taageerto kala duwanaanshaha isla markaana na siiso fursad aan isku xoojino oo wax uga baranno midba midka kale.

Jagooyinka kale ee Guddiga Agaasimayaasha waa kuwo lagu magacaabo (appointment). Waxay ka mid yihiin Guddoomiyaha Isgaarsiinta, Guddoomiyaha U-doodista Sharci-dejinta, Guddoomiyaha Xubinnimada, iyo kuwo kale oo badan. Dhammaan jagooyinka waxaa lagu sharaxay qaybta ugu hooseysa ee foomkan. Fadlan eeg liiska Doorarka & Mas’uuliyadaha iyo Xeerarka Joogtada ah (Standing Rules) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

SCPTSA waxay hiigsaneysaa guddi si caddaalad ah uga tarjumaya ardayda degmada aan u adeegno. Waxaan qiimeynaa hoggaaminta bulshooyinka aan si buuxda loo matalin—oo ay ku jiraan BIPOC, Baranayaal Luqadda Ingiriisiga, LGBTQIA+, iyo dadka naafada ah—waxaanan si xooggan u dhiirrigelineynaa ka-qaybgalkaaga. Waxaan aaminsanahay in aqoonta koox aad u kala duwan oo hoggaamiyeyaal ah—gaar ahaan qoysaska ardayda ka fog caddaaladda waxbarashada—ay muhiim u tahay in riyo kasta oo carruur ahi ay noqoto mid dhab ah.

Sida PTSA, waxaan ka go’an inaan noqono hay’ad loo wada siman yahay (inclusive) oo sameysa wax kasta oo suurtagal ah si ay u fududeyso ka-qaybgalka qoysaska aan si buuxda loo matalin—oo ay ku jiraan ka-qaybgal fog (remote access), turjumaad, agab la tarjumay, taageero farsamo, hagid (mentorship), iyo kuwo kale. Waxaan rabnaa inaan abuurno jawi uu hoggaamiye kastaa si buuxda oo dhab ah isu muujin karo, laguna soo dhaweynayo jawi iskaashi iyo taageero leh, laguna qiimeeyo qofka uu yahay iyo hibada gaarka ah ee uu bulshada u keeno si loo taageero himilada PTA.

Sida ku cad Xeer-hoosaadka WA State PTA, Qodobka 5, Qaybta 6(G), si qof loogu doorto xilka (Guddiga Fulinta) waa inuu:

  • ugu yaraan yahay 18 sano jir;

  • hore uga soo shaqeeyay hal muddo (term) guddi maamul PTA maxalli ah ama Golaha (Council);

  • sidoo kalena xubin ka ahaa PTA maxalli ah oo ku jira Golaha ugu yaraan 30 maalmood ka hor doorashada (May 16, 2026).

Kulanka Guud ee Xubinnimada & Doorashada sanadkan waxa uu dhici doonaa 15-ka Juun 2026, 6:30–8 galabnimo.

Haddii aad xiisaynayso mid ka mid ah jagooyinka Guddiga Fulinta SCPTSA, fadlan buuxi foomka hoose, waxaana kula soo xiriiri doonnaa si aan kaala hadalno. Haddii aad taqaan qof xiisayn kara jagooyinkan, si xor ah ugu gudbi foomkan. Mahadsanid!!


Fiiro gaara: Meel walba oo aad ku aragtaan xarfahaan la Soo gaabiyay oo Aan halkaan idiinku soo qornay. Ee. Ah PTSA ama SCPTSA. Waa kan macnahooda Hoos ka eego.

  • SCPTSA waa Guddiga Waalidiinta, Macallimiinta, Iyo Ardayda ee Magaalada Seattle.


  • PTSA waa Guddiga Waalidiinta, Macallimiinta, Iyo Ardayda.